Latest News

Alshabasb Oo Jicibow Kala Kulmay Jabkii Ugu Weyna Ee Goob Dagaal Kasoo Gaadha

Beledweyn,October 10, 2022( Haatufonline)-Dagaal bilaabmay subaxnimadi shalay oo socoday ilaa gabal dhici oo Alshabaab iyo maleeshiyada Macawislayda Xawaadle ku dhex maray jiidda Jicibow oo 39 km dhanka waqooyi ka xigta Buulo- Burde ayaa waxay ciidankii argagixisadu kala kulmeen jabki ugu weynaa ee kasoo gaadha goob dagaal iyadoo dhimashadoodu lagu qiyaasay tiro u dhaxaysa 150 ilaa 200.

Siday warbaahinta maxliga ah iyo ta dawladuba sheegeen dagaalkani wuxu dhacay kadib markii ay sahanka Macawislaydu heleen xog sugan oo nuxurkeedu ahaa in kooxda Alshabaab ay damacsanyihiin inay ciidan 500 ah kusoo weeraran maleeshiyada Macawislayda ee deggan Jicibow iyadoo u xogtaasi ka dhashay in weerar balaadhan oo ka- hor-tag ah lagu qaado barta ay ciidanka Alshabaab isku urursanayeen. Macawislayda oo ay gacan siinayaan ciidamada dawladda Somalia ayaa ku guulaystay inay kala daadiyaan qorshihii Alshabaab oo ay waliba khasaare xoog leh gaadhsiyaan iyadoo baaqigii ka hadhay ciidamada argagixisada la sheegay inay haatan ku hareeraysanyhiin buuro dhakadood.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*