Latest News

Maamul Goboleedka Puntland Oo Weerar Ku Soo Qaaday Fadhiisinta Ciidanka Qaranka Ee Tukaraq

Hargeysa, February 25, 2023 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, ayaa sheegay in Puntland ay Weerar ku Soo qaaday ciidanka Somaliland Ee ku sugan Tuka-raq oo ay iska difaaceen.

Wasiir Cabdiqani Caateeye oo qoraal Soo Dhigay Bogga Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, ayaa Waxa uu sheegay inay dib u riixeen ciidanka Soo weerartay, ciidanka Qaranka oo ay iska caabiyeen. Qoraalkan ayaa u dhignaa sidan:- “Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL
Cabdiqani Maxamuud Cateeyee Fariid”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*