Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Laascaanood
Hargeysa, February 25, 2023 (Haatufonline) -Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Beesha Caalamka La Socodsiisay In Maleeshiyo Nabad Diid Ah Oo Xidhiidh La Leh Kooxaha Xagjirka Ahi Ay Weerar Ku Soo Qaadeen Fadhiisin Ciidanka Qaranka JSL Uu Ku Leeyahay Laascaanood.
Sidoo kale waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland in Puntland ay weerar kale ku soo qaaday ciidamada Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq.
Waxaa lagu yidhi war-saxaafadeedka waxaanu si xoogle u taageeraynaa hawlgalka nabadeed ee socda oo ay wadaan Madaxda dhaqanka ee iskaga kala yimid Somaliland oo dhan ee lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo.
Gabogabadii Dawlada Somaliland ayaa ugu baaqday beesha caalamku inay ka dalbato Dawlada Somalia iyo maamul goboleedkeeda Puntland inay ciidamada kala baxanaan xadka Somaliland, isla markaana ay cambaareeyaan weerarada ka dhanka ah muwaadiniinta Somaliland, dawlada iyo milatariga. Kuna soo biiraan xabad joojinta bilaa shuruuda ah ee Somaliland ku dhawaaqday.
Leave a comment