Latest News

Blogger Caan Ah Oo Ka-Maqnaanshehiisii Internet-ka Muddo Dheer La Fahmi Waayey

Haatufonline,April 6,2023- Muddo 12 sanadood ah ayaa nin blogger ah oo u dhashay dalka Shiinuhu uu Internet-ka kusoo bandhigi jiray qoraalo uu ku dhaliilayo dawladdiisa taasoo soo jiidatay dad tiro badan oo gudo iyo dibadba leh oo la socda waxyaabaha uu ku qoro bartiisa ku caanbaxday magaca “Program Think”.
Mudadaas 12-ka sanadood ah ma jirin cid og xaqiiqada dhabta ah ee ninkan sida magaciisa,meesha uu degganyahay iyo halka uu kasoo jeedo iyadoo lala yaabay dhiiraraantiisa gabashada lahayn ee uu hadh iyo habeen ku dhaliilayo dawladdiisa uu hogaamiyo xisbiga Shuuciga ahi.

Hadaba bishi May 2021 ayuunba mar kaliya ninkii laga waayey Internet-ka.Waxaana jirtay in waqti hore uu akhristeyaashiisa u sheegay in aanu 14 maalmood wax ka badan marnaba Internet-ka ka maqnaan doonin.Hasayeeshee mudaadii ayaa aad u dheeraatay waxaana la garanwaayey waxa ninkii ku dhacay.

Laba sanadood ka bacdi ayaa waxa maxkamad lasoo taagay nin blogger ahaa oo la yidhaa Ruan Xiaochuan.
Xaaskiisii oo mudadaasiba daydayeysay ayaa waxay ogaatay in blogger-ka maxkamadda la saaray yahay ninkeedii.Waxayse la sii yaabtay markay ogaatay in ninkeedu laga bilaabo June 2009 uu Internet-ka wax ku qori jiray iyadoo marnaba dareemin inuu hawshasi ku jiray.
Ruan Xiaochuan waxa lagu soo eedeeyey kharbudaad iyo sumcad dil uu la beegsaday nidaamka siyaadadeed ee dalka Shiinaha ka jira waxaana lagu xukumay 7 sanadood oo xadhig ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*