Guddoomiyaha Baanka Aduunka Oo Ka Walaacsan Qaar Ka Mid Ah Amaahaha La Siiyo Afrika
Naimey,April 8,2023(Haatufonline)- Guddoomiyaha Baanka Aduunka David Malpass oo laba todobaad ka hor u waramay BBC-da xili uu booqasho ku marayey dalka Niger ayaa walaac ka muujiyey qaar ka mid ah daymanka uu Shiinuhu siiyo dalalka Afrika iyadoo uu sheegay in loo baahanyahy in shurudaha lagu galo daymankaasi laga dhigo qaar daah furan oon mugdi ku jirin.
Hadalkan Guddoomiyaha kasoo yeedhay ayaa waxa uu kusoo beegmay xili ay labada dal ee Ghana iyo Zambia la daalaa dhacayaan sidii ay iskaga bixin lahaaayeen amaaho uu Shiinuhu ku leeyahay.
Shiinaha ayaa isagu taagan in amaahaha u bixiyaa waafaqsanyihiin xeerarka caalamiga ah.
Leave a comment