Latest News

Mid Ka Mid Ah Ganacsatada Qaadka Oo Lagu Dilay Laascaanood

Laascaanood, April 9, 2023 (Haatufonline) – Magaalada Laascaanood ayaa lagu dilay xalay Ganacsade Maxamed Yuusuf (Doolaqash) oo ahaa ganacsade caan Ka ah Gobolka Sool kana ganacsan jiray Qaadka.

Dilka Ganacsadahan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxaha huwanta ee xaalada ammaan daro ka Abuuray Laascaanood.

Dhinaca kale kooxaha huwanta ayaa caawa magaalada laascaanood ku kufsadey kadibna diley marxuumad lagu magacaabo aamina siciid shire waxaaney ka soo jeedaa beesha bahararsame maydka marxuumada ayaa la dhigay hotel hamdi meel u dhaw, waana xiisad kacsan oo ka dhex taagan caawa magaalada laascaanood, Iyadoo loo aynayo 4 askari oo ciidamada Cali Saleeban ka tirsan , Mukhtaar aden , xamse naasir , maxamuud dhegolaab iyo mid kale.

Waxaana xiisad aad u kacsan ka dhex aloosan tahay kooxaha isbahaysiga huwanta, dhinaca kale warbaahinta ku hadasha afka kooxaha huwanta ayaa caawa bilaabay sidii ay u qarin lahaayeen dhacdada foosha xun ee ka taagan laascaanood waxaaney bilaabeen warar lagu luminayo dilka marxuumada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*