Madaxweynaha Jabuuti Oo Qaabilay Ergayga Somalia U Qaabilsan Wadahadalada Somaliland
Jabuuti, April 9, 2023 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee maanta, ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Ergayga Dawlada Somalia usoo magacawday wadahadalada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Safarka Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ee Jabuuti ayaa la xidhiidha socdaal uu ku marayo gobolka, si uu taageerada siyaasadeed uga helo dalalka gobolka iyo wada-hadallada u qorsheysan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Ka dib wadahadal uu la yeeshay madaxa dawladda Jabuuti, Mudane Abdikarim Houssein Goueld ayaa saxaafadda la hadlay.
“Waxaan isu xil saarayaa waajibaad ah inaan halkan ka bilaabo socdaalka aan ku marayo gobolka oo dhan. Anaga oo tixgalinayna taageerada la taaban karo ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Geelle, Taas oo Jamhuuriyadda Djibouti ay had iyo jeer u horseeddo nabadda iyo xasilinta shucuubta ku nool gobolkan,” ayuu yidhi Mr Guuleed.
Leave a comment