Kenya Oo La Rafanaysa Bixinta Dayn Tareen Loogu Dhisay Oo Shiinuhu Ku Leeyahay
Nairobi,April 12,2023(Haatufonline)-Dawladda Kenya ayaa waxa soo foodsaaray culays laxaad leh oo ku saabsan sidii ay isaga bixin lahayd dayn uu ku leeyahay dalka Shiinuhu oo lagu maalgaliyey dhismaha tareen isku xidha magaalada xeebta ah ee Mombaasa iyo Nairobi oo gaadhaya ilaa Niavasha.
Tareenkan oo leh laba wado oo iswaydaaranaya ayaa waxa ku baxay $5 billion(milyaar) oo amaah ah oo $1.6 billion ka mid ah ay leeyihiin bankiyo laga leeyahay dalka Shiinuhu.
Shiinuhu waxa kale oo uu maalgaliyey wado casri ah oo ah nooca aan baabuurtu ku hakan ( expressway) taasoo ku wareegta Nairobi.Wadadan oo isticmaalkeeda lacag lagu maro waxa uu dherarkeedu yahay 27 km waxaana ku baxay kharash dhan $734 kaasoo laga amaahday Shiinaha. Waxa kale oo jira mashaariic kale oo farabadan oo laga hirgaliyey Kenya oo Shiinuhu maalgalintooda bixiyey oo dayn ahaan loogu leeyahay dawladda Kenya.
Hadaba wasiirka gaadiidka Kenya Mr Kipchumba Murkomen ayaa mar uu dhawaan la hadlay baarlamanka dalikiisa waxa uu sheegay in Kenya ay Shiinaha ka dalban doontu in loo kordhiyo mudada ay iskaga bixinayaan daynka tareenka taasoo markii hore ahayd 20 sano.
Wasiirku wuxu sheegay inay sanadkasta $80 milyan ku bixiyaan dayn celintii mashruuci tareenka taasoo aan laga bixin karayn dakhliga soo gala tareenka xata haday 50 sano gaadhayso sababto ah tareenku isma bixiyo.Tareenka ayaa la hirgaliyey sanadkii 2017.
Daynka Kenya lagaga leeyahay gudaha dalka iyo dibadiisaba ilaa dabayaaqadii December 2022 waxa uu taagnaa $ 74.1 billion oo 51% laga leeyahay dibadda waxaana amaahaha ugu badan leh baaanka aduunka waxaana ku xiga dalka Shiinaha iyadoo isugayn daynka Kenya lagu leeyahay uu ka sareeyo xadkii lagula talin jiray wadamada soo koraya in aanu dhaafin si dhaqaale burbur aanu u gadhin.
Masuuliinta xukuumadii madaxweynihii horee Kenya Uhuuro Kenyata ayaa dhawr jeer oo wax laga waydiiyey heshiisyadii lagula galay Shiinaha amaahda tareenka iyo qandaraasyadii lagu bixiyey hirgalinta mashruucaasi waxay ka warwareegeen inay macluumad ku saabsan arintaasi ay la wadaagaan dadweynaha iyadoo ay ku andacoodeen inay tahay sir dawladeed o³o taabanaysa nabadgelyada qaranka hadii daboolka laga qaado.p
Leave a comment