Safiirka Shiinaha Ee Somalia Oo Ka Cadhooday Taageero Ay Somaliland U Muujisay Taiwan
Hargeysa,April 12,2023(Haatufonline)- Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya dalka Somalia Mr Fei Shengchao ayaa caawa si cadho leh uga jawaabay taageero uu dalka Somaliland u muujiyey Taiwan.
Qoraal ay wasaaradda Arimaha Dinadda ee Somoliland maanta soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa waxay ku sheegtay in Shiinuhu ku xadgudbay xadka biyaha ee la isla ogyahay ee u dhaxeeya Taiwan iyo Shiinaha oo loo baahanyahay in la ixtiraamo lana ilaaliyo soodimaha u dhaxeeya dalalka.
Mawqifkan Somaliland ayaa kusoo beegmay dhoolo tus milatari oo socday sadex maalmood oo Shiinuhu ka sameeyey biyaha badda u dhaxaysa iyaga iyo Jasiiradda Taiwan taasoo ay Taiwan ku tilmaamtay daandaasi colaadeed oo Shiinuhu ula badheeday isla markaana kaga jawaabayeen kulankii horantii bishan California ku dhexmaray madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-Wing iyo guddoomiyaha aqalka Wakiilada Maraykanka Kevin McCarthy
Dawladda Shiinaha ee u xukumo xisbiga Shuucigu ayaa Taiwan u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah dalkeeda. Hasayeeshe dadka ku nool Taiwan oo ah dal dimuqraadi ah ayaa ilaa hadda badankoodu waxay rabaan inay gooni ka ahaadaan Shiinaha Shuuciga ah .
Hadaba safiirka Shiinaha Fei Shengchao ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay isagu ku tiiqtiiqsanaya hadlkii khaarijiyadda Somaliland waxa u yidhi “Waad ku mahadsantihiin taageeradiina .Xuduudaha qaran in la ixtiraamaa waa waajib laakiin yaan lagugu qosline xuduud ha ugu yeedhin meel aan xuduudi ka jirin”. Isagoo hadalkiisii sii watana waxa uu yidhi “Caqligu wuxu ina tusaya in aanu jirin qoys xad kala dhex dhiga gurigii uu ku hoos noolaa”.
Leave a comment