Latest News

Miliarder Fan Bao Oo La Waayey Oo Mardambe La Sheegay In Dawlada Wax Ka Waydiinayso Nin Ay Wada Shaqayn Jireen

Beijing,April 14,2023(Haatufonline)- Nin ka mid ah maalqabeenada dalka Shiinaha oo la yidhaa Fan Bao oo horaantii bishii February 2023 la waayey ayaa markii dambe Shirkaddi uu madaxda ka ahaa ogaatay inuu ku jiro gacanta dawladda oo wax laga waydiinayo nin ka mid ahaan jiray masuuliinta Shirkadda oo la odhan jiray Cong Lin.

Fan Bao ayaa waxa uu aasaasay shirkad dadka u maalgalisa lacagaha ay u dhiibtaan si ay macaash iyo faaido uga helaan. Shirkaddan oo la yidhaahdo
China Renaissance ayaa waxa kale oo ay ka shaqayn jirtay hawlaha tiknaloojiyada ku salaysan internet-ka. Fan Bao ayaa labadaas hawlood ee maalgalinta lacagaha iyo tiknoloojiyada waxa uu ka helay xoolo badan taasoo ka dhigtay miliarder.

Siday warbaahintu sheegtay mudadi uu xukunka Shiinaha qabtay madaxweyne Xi Jinping wixii ka dambeeyey,waxa maalqabeenada ugu caansan dalkaasi sida Jack Ma soo waajahay cidhhiidhi iyo culays xagga dawladda kaga imanaya,waxaana dhacday in qaar ka mid ah malqabeenada waawayn ee Shiinahu ay lacago badan oo dalka gudahiisa u yaalay u wareejiyeen bangiyada dalka Singapore cabsi iyo shaki ay ka qabaan in dawladdu kala wareegto xoolahooda darteed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*