Dadaal Lagu Daryeelayo Qaxoontiga Uyghurka Ee Ku Nool Turkiga
Ankara,April 15,2023(Haatufonline)-Waxa meelo kala gedisan oo dunida ah ka socda dadaal la doonayo in lagu daryeelo qaxoontiga Ugurka (Uyghurka) ee ku nool dalka Turkiga oo ay dhibaatooyin nololeed haystaan.
Ugurka oo ah dad Mudlim ah oo kasoo jeeda gobolka Jinjiang ee ku yaala waqooyiga galbeed ee dalka Shiinaha ayaa waxa soo waajahay cadaadis kaga imanaya dhinaca dawladda Shiinaha,waxaanay dad ka mid ah u qaxeen oo ay hadda degganyihiin dalka Turkiga.
Shakhsiyaadka iyo ururada dadaalkan taageersan waxa ka mid ah Professor Khaled Beydoun,Scholar Omer Suleiman iyo Droplets of Mercy.
Hadaba munaasabadda bishan Ramadaan ayaa shakhsiyaad iyo ururo caan ahi waxay taageereen olole mucaawimo loogu ururinayo dadka Ugurka ee ku tabaalaysan dalka Turkiga si loo daboolo baahiyahooda dhinaca cuntada,dharka iyo waxbarashada.
Leave a comment