Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Lagaga Hadlay Qodobo Xasaasi Ah
Nuxurka Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland
- Xuska 18 May ee Sannad Guuradda 32aad ee ka soo wareegtay Dib-ula-soo-noqoshadii Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland awgeed, waxa uu Goluhu ugu baaqay in Shacabka iyo Ciidanka Qaabilsan Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidii caadada iyo dhaqanka u ahayd ay iskaga kaashadaan ilaalinta nabadda dalka, isla markaana ciidanku ay si gaar ah xil-weyn iska saaraan xoojinta Amniga, iyada oo Ciidammada ku hawlan Difaaca Guud ee Qarankuna ku sugnaan doonaan xarumahoodii.
- In aanay Qaranka Somaliland khusaynin Tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya, xuduudeheeda Afarta Jahana ay cad yihiin, waana xuduudo caalami ah. Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure).
- In Hay’adaha Dawladu ay fuliyaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad (NDP3).
Ugu dambayn, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa sharaxaad ka bixiyey Kaabista iyo Wax-ka beddelka Xeerka Gaadiidka iyo Waddo-marista (Xeer Lr.56/2023). Intaas ka dib goluhu waxa dood iyo falan-qayn dheer ka yeeshay Xeerkaas, iyagoo u ballamay in doodu sii socon doonto shirarka dembe ee Golaha.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
Leave a comment