Latest News

Gudidda Doorashooyinka Puntland Oo Xaaladd Amni U Hakiyey Inay Doorasho Ka Dhacdo Gobolka Nugaal

Garoowe, May 24, 2023 (Haatufonline) – Guddida Doorashooyinka maamul goboleedka Puntland ee KMG ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen 3 degmo oo gobalka Nugaal ka tirsan in aanay ka wax doorasho ahi.

Waxay sheegeen in ay qiimeeyeen xaaladda degmooyinkan, ayna waqti siiyeen dadaalada Isimadda, waxgaradka dhaqanka iyo in is afgarad looga gudbo tabashada jirtay, balse lagu guuldareystay.

Sidaas Darteedna saddexda degmo ee Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan in aanay berri shacabkeeda xaq u yeelan doonin in ay doortaan xubnaha golaha deegaanka, oo ay horey iskugu diwaangaliyeen, sababo la xidhiidha damaca siyaasiinta.

Dawladda Federaalka ayaa dadaal xoogan galisay, sidii aysan deeganaadaas uga dhaceen doorashada, iyadoo taageeraysa dhinacyada kasoo horjeeda doorashadan, horey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doorashooyinkan sheegay in ay halis ku yihiin mandiqadan.

Bishii Feb, sannadkan Garoowe ayaa isdiwaangalinteeda dib loo dhigay, markii ay caqabado ka yimaadeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*