Xukuumada Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixisay Weerar Ismiidaamin Ahaa Oo Argagixisada Laascaanood Soo Maleegtay
Hargeysa, May 31, 2023 (Haatufonline) -Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay weerar qaraxyo ah oo ay soo maleegeen kooxaha Argagixisada ah ee ku sugam magaalada Laascaanood.
War-saxaafadeedkan goor dhaweyd kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in Subaxnimadii hore ee saaka abaara 3-dii aroornimo ee xilliga saacada bariga Afrika ay ciidamada Somaliland ku guuleysteen in la fashiliyo weerar argagaxiso oo ay maleegayeen argagxisadu, maadaama oo ciidamada Somaliland ay ahaayeen kuwofeejigan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in lix qof oo ka tirsan kooxaha argagaxisada ah oo qorsheynayay weeraro ismiidaamin ah ay si degdeg ah ugu qaraxday walxihii aybsiteen tuulada Sii-xawle. Tuuladani waxay u dhaxaysaa Yagoori iyo Samkaab, waxayna ka tirsan tahay gobolka Sool, waxayna masaafo dhow u jirtaa Laascaanood.
Nasiib darro, labo ka mid ah raggii falkan geystay ayaa naftooda ku waayay qaraxaas oo ahaa mid degdeg ah, iyadoo afartii kale ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan. Dhacdadani waxa ay si weyn u xasuusinaysaa in ururada argagixisadu ay weli khatar ku yihiin nabadda iyo nabadgelyada Somaliland iyo gobolka ku xeeran, ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland.
Leave a comment