Madaxweynaha Somalia Oo Ku Eedeeyey Al-Shabaab Inay Dalka La Doonayso Gumaysi
Muqdisho, July 1, 2023 (Haatufonline) – Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey dadweyne isugu soo baxay xuska munaasabada 63 sano guurada kasoo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay xurnimada ka qaateen gumeystahii Talayaaniga ayaa si faahfaahsan uga hadlay damaca kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wali dalka gumeysi ay la doonayso kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii dalka looga cidhibtiri lahaa.
“Khawaarijta waxay dadkeena ku wadaan gumaysi, xoriyad nooma ogolo, haldoorkii ayeey dilayaan, Masaajidadii ayeey burburinayaan, ma aqaano qofka Masaajid qaraxyo iyo hoobiye la dhacayo oo burburinaayo hadana diin sheeganayo waxa uu yahay, gumeystahii Talayaani waxuu ahaa gaal diin kale wata, lakiin nimankan diinta sheeganaya oo hadana meelahii lagu cibaadeysanay burburina waa Khawaarij, shacabkii ayaa hada dhaqaqay dhawaana waa lasoo afjarayaa khawaarijta dooneysa in dadka Soomaaliyed oo an ogoleen in la gumeysto iney gumeystaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynaha Soomaaliya in geesiyaasha ciidan xooga dalka iyo kuwa Macawiisleeyda ee ka hortagay gumeysiga kooxda Al-shabaab in taariiqda ay xusi doonta.
“Dagaal hadii lagalo labo qofba ha noqotee waa lakala ganbanaa qofba mar ayuu gambanayaa, marka weerarada nimankan Khawaarijta ah yaanan loo maleyn kuwa sidaas u buuran, waxaa inaga go’an inaan dalkaan ka nadiifino kooxda oo sida ay rabaan aysan u suurtagalin” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Leave a comment