Xildhibaan Gavin Williamson Oo Baarlamaanka Ingiriiska Ka Hor Jeedinaya Xeer Laga Hadlayo Aqoonsiga Somaliland.
London, July 3, 2023 (Haatufonline) – Xildhibaan Gavin Williamson oo kamid ah Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa maalinta Barito ah ka hor jeedin doona golahaasi Xeer qabyo qoraal ah oo laga hadli doono Aqoonsiga Somaliland.
Mooshinkan ayaa sheegay inuu ka hadlayo sidii Beesha Caalamka iyo dawlada Ingiriiskuba ay Somaliland ugu aqoonsan lahaayeen dal madaxanaan, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey barta internetka uu ku leeyahay Baarlamaanka Ingiriisku.
Somaliland ayaa madaxbaanideeda ku dhawaaqday 1991kii, waxaanay bishan May u dabaal degtay 32 guuradii ka soo wareegtay Markii ay madaxbaaanideeda kala soo noqotay Somalia.
Leave a comment