Latest News

40 Dagaalyahan Oo Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Jubbooyinka

Muqdisho, July 12, 2023 (Haatufonline) – Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Jubbooyinka.
Howlgalka ayaa xoogiisa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Weel Maaroow iyo deegaano kale 42 KM u jira degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
War kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 40 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ay ku jiraan madaxii qaraxyada u qaabilsana Shabaab deegaanada Jubbooyinka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan iyo ku xigeenkiisa Cabdi Mahad iyo xubno kale.

“40 ka tirsan Khawaarijta nafla caariga ah oo ay kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubooyinka Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad ayaa lagu kharajiyey howlgalka , Sidookale saraakiisha khawaarijta ee lagu dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow” ayaa lagu yiri warka lagu daabacay Warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*