“Ninka shacabka Somaliland Madaxweynenimada ka doonayaa waakaa jabhadda hubaysan buurta galiyey,” Afhayeen Buuni
Hargeysa, July 31, 2023(Haatufonline) -Afhayeenka xisbiga talada haya ee KULMIYE, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa si adag uga jawaabay hadallo kasoo yeedhay xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, kuwaas sawir xun ka bixinaya xaaladda amni ee dalka.
Afhayeen Buuni oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa xoghayaha WADDANI uga digay Inuu suurad xumeeyo amniga iyo xasiloonida dalka, waxana uu xisbiga WADDANI ku eedeeyey inay isku dayayaan sidii ay dalka ugu qabsan lahaayeen xoog iyo jabhad hubaysan, waxana uu yidhi, “Ninka shacabka Somaliland Madaxweynenimada ka doonayaa waakaa jabhada hubaysan buurta galiyey.”
Afhayeen Cabdinaasir Muxumed Buuni waxa uu xusay in qaranku nabad iyo horumar ku naalloonayo, kursiga dalka ugu sarreeyana lagu gaadho oo kali ah cod shacab, balse aanay sinaba suuragal u ahayn in cidi qori caaradii ku hanato hoggaaminta dalka.
Leave a comment