Latest News

Mushaharka Waallida Ah Ee Al-Hilal Ay Siinayso Neymar Jr

Riyaad August 14,2023(Haatufonline) – Xidiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa maanta ka degaya waddanka Sucuudiga oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono kooxda Al-Hilal oo uu kula heshiiyay inuu laba sanadood u ciyaaro iyo in mudadaas labada sanadood ah uu naadiga Al-Hilaal siiyo lacag marka la isku geeyo noqonaysa 164 milyan oo doolar taaso uu waqti kooban ku xoogsan doono lacag ka badan intii uu ka helay PSG oo uu lix sannadood u ciyaarayay.

Naadiga Paris Saint-Germain ayaa sanadkii 2017 Neymar lacag dhan 254 milyan oo doolar kaga iibsaday naadiga Bercelona ee uu u ciyaari jiray hasayeeshee Al-Hilaal waxa uu Neymar hadda kaga iibsaday 110 milyan oo doolar.

PSG ayaa ogolaatay inay Neymar kaga iibiso Al-Hilal lacag gaadhaysa £86.3 milyan oo Gini, waxaana sidaas kusoo dhamaaday lix sannadood oo uu 31 jirkani ka dheelayey caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris.

Sannadkii 2017 ayay PSG kaga soo iibsatay Barcelona lacag illaa hadda haysata rikoodhka iibka ee adduunyada oo ahayd £200 milyan oo Gini, waxaana uu u saftay kaliya 173 ciyaarood oo uu kula guuleystay 13 koob oo kala duwan.

Kaddib heshiiska uu la gaadhay Al-Hilal, waxa lasoo bandhigay mushaharka waallida ah ee uu laacibkani ka qaadan doono kooxdiisa cusub, kaas oo ka dhigaya ciyaartoyga saddexaad ee adduunyada ugu mushaharka badan, waxaana kaliya  ka horreeya Karim Benzema iyo Christiano Ronaldo.

Al-Hilal oo weyday Kylian Mbappe oo ay ula diyaar ahayd in sannadkii ay mushahar u siiso £604 milyan oo Gini, ayaa waxa hadda uu Neymar u dhacayaa qayb ka mid ah lacagtaas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*