Seeraha Geed-Deeble Oo Laga Hirgaliyey Xarun Lagu Daryeelayo Dhasha Harimacadka Ee Laga Badbaadiyo Tahriibleyaasha
Hargeysa,August 17,2023(Haatufonline) – Somaliland oo dagaal ba’an kula jirta ka-ganacsiga dhasha harimacadka ee loo dhoofiyo dibadda, ayaa waxa kale oo baryahanba ka socday mashruuc lagu dhisayo xarun lagu xanaaneeyo dhasha harimacadka ee laga soo badbaadiyo tahriibleyaasha u dhoofiya dalalka Khaliijka. Xaruntan oo ah markii ugu horaysay ee nooceeda mid la mid ah laga hirgaliyo Geeska Afrika,ayaa waxa uu dhismaheedu mudaba ka dhex socday seeraha caanka ah ee Geed-deeble oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Mashruucan waxa laga hirgalinayaa dhul balaadhan oo balaciisu yahay 800 hektaar oo uu ku deeqay Golaha Degaanka Degmada Daarasalaam ee uu Geed-deeble hoosyimaaddo, waxaana fulinta mashruucan iska kaashanaya Wasaaradda Deegaanka ee Somaliland (Somaliland Ministry of Environment) iyo hayadda Cheetah Conservation Fund. Xanaanada iyo barta caafimaadka ee laga dhisayo ka sakow, xaruntani waxay yeelan doontaayoo kale Dugsi Tababar Xirfadeed oo loogu talo galay inay ka faaiidaystaan xoolo dhaqatada ,ardayda iyo shaqaalaha xaruntuba.
Durtaba waxa xarunta ku sugan 91 Harimacad oo iyagoo dhal ah ay bilyaska iyo ciidamada badda ee Somaliland ku qabteen cisaabado u tahriibinayey dalalka Khaliijka. Harimacadkan oo dhal ahaa markii lasoo qafaashay ayaa intooda badan waxa xarunta la keenaa iyagoo dhaawacyo qaba nafaqo la’aanna la ildaran.
Dhaawcyadii,darxumadii iyo nafaqola’aantii soo gaadhay iyagoo jiray dhawr todobaad ama bilood awgeed, waxay daawayntoodu qaadataa mudo aad u dheer. Sidaas darteed suurtagal ma noqonayso in dhashan dib loogu celiyo aydii uu Harimacadku caadi ahaan ku noolaan jiray .Hasa yeeshee waxa loo sameeyey seero loo ooday oo xarunta dibaddeeda ah taasoo loogu talo galay in lagu sii daayo markay si fiican uga boogsadaan dhaawacyadii iyo taqwad-daradii soo gaadhay. Waxaana la filayaa in mashruucan la dhamaystiro dhawrka bilood ee inagu soo beegan iyadoo ku talogalku yahay in sanadkan dhamaadkiisa la qabto xaflad balaadhan oo si rasmi ah loogu furayo xaruntan wayn ee lagu daryeelayo dhasha Harimacadka ee laga soo badbaadiyo tahriibleyasha ka ganacsada dhoofintooda.
Leave a comment