Markab Laga Shakisanyahay Inuu Hub Lagu Sameeyey Shiinaha U Sido Alshabaab Oo Lagu Hayo Meel U Dhaw Boosaaso
Bosaaso,September 3,2023(Haatufonline)- Markab Laga Shakisanyahay Inuu Sido Hub Shiinaha Looga Soo Diray Alshabaab Iyo Huwanta ayaa qaar ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee ku sugan badwaynta Hindiya ay ku hayaan meel qiyaas ahaan 80 km u jirta dekadda Punland ee Boosaaso. Ilo ku dhaw dhaw maamulka Puntland oo Boosaaso ku sugani ayaa waxay noo sheegeen in Markabkani raashin u siday ciidamada Puntland oo uu kusoo beegnaa inuu Jimcihii doraad kusoo xidho dekadda Boosaaso.
Hasayeeshee iloo madax banaan oo u dhuun daloola arintan ayaa waxay noo sheegeen in Markabku markii hore ka yimid dalka Shiinaha isagoo konteenaro hub ah sida balse markii uu Dubay soo gasdhay lagu dul raseeyey raashin. Waxa kale oo ilahan madaxa banaani intaas ku dareen in madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu waasdo u galay sidii Markabka loogu soo dayn lahaa iyadoo uu kala xidhiidhay madaxwaynaha Somalia ee Xasan Sheekh si uu ugala hadlo ciidamada shisheeye ee Markabka haysta balse aanay waxba uga suurtoobin ka dib markii ay ciidamada shisheeye u sheegeen in Markabka u saaranyahay hub loo wado Alshabaabka ku sugan Lasscaanood iyo Buhoodle.
Leave a comment