Abaabulka Culus Ee Hasan Sheekh Ka Bilaabay Maxaas Ee La-Dagaalanka Khawarijta Iyo Shirka Ankara
Maxaas,September 4,2023(Haatufonline) – Shir ay xalay tuulada Maxaas ee ka tirsan gobolka Hiiraan isugu yimaadeen wafti uu hogaaminayey madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax dhaqmeedka beelaha Xawaadle,Habar Gidir,Surre iyo Maroorsade ee dega dawlad deegaanka Galmudug iyo gobolka Hiiraan ayaa lagu go’aamiyey in aan loo kala hadhin wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Alshabaab.
Go’aankan ayaa ka dhigan guul usoo hoyatay abaabulkii uu Xasan Sheekh mudo bil-ku-dhawaad ah ka waday gobolada dhexe ee Somalia si uu taageero dadweyne ugu helo dagaalka ay dawladda Somalia ku doonayso in dalkeeda lagaga cidhibtiro argagixisada Alshabaab ee wali ku sugan qaybo ka mid ah.
Mr Xasan Sheekh ayaa wali ku sugan Maxaas waxaana la filaya inuu muddo ka bacadi uga sii gudbo dhinaca Shabeelada Dhexe.
Dhinaca kale waxa caasimadda Turkiga ee Ankara ku shiraya madaxweynihii Hore Somalia Maxamad Cabdillahi Farmajo, madaxii horee sirdoonka Somalia Fahad Yaasiin, raiisalwasaarihi hore ee Somalia Mahdi Guuleed iyo murashaxii ku guuldaraystay doorashadii madaxwaynaha Somalia ee Sheekh Shariif.
Taageerayaasha Farmaajo ayaa qoraalada ay ku baahiyaan bara bulshada ku muujiya inay kasoo horjeedaan dagaalka uu Xasan Sheekh iclaamiyey ee ka dhanka Alshaabaab. Siday ilo xog ogaal ahi noo sheegeen kulankan Ankara ee afargeesoodka ah ayaa waxa la filaya in lagaga arinsado sidii kooxda Farmaajo ay fashilin lahayd dawladda Xasan.
Leave a comment