Shiinaha Oo Balanqaaday Inay Sii Wadi Doonaan Taageerada Ay Siiyaan Huwanta Laascaanood Ee Gacansaarka La Leh Alshabaab.
Muqdisho,Octoober 10,2023(Haatufonline)- Dawladda Shiinaha ayaa balanqaday inay sii wadi doonto taagerada militari iyo dhaqaale ee ay siin jirtay Huwanta Laascaanood gacanta ku haysa waqtigan xaadirka ah. Sidaas waxa sheegay Safiirka Shiinaha u fadhiya Somalia Mr Fei Shengchao mar uu shalay magaalada Muqdisho kula kulmay gudoomiyaha kooxdaasi Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo haatan booqasho ku joogo Muqdisho kadib markii uu martiqaad ka helay dawladda Somalia.
Dawladda Shiinaha ayaa tiraba ugu yaraan sadex jeer hub usoo dirtay ciidamada Huwanta xiligii u socday daaalkii Laascaanood ku dhexmarayey ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland iyo kooxo ka tirsan argagixisada Alshabaab ee gacan saarka la leh maleeshiyada qabaayilka deegaanka kuwaasoo loo yaqaano Huwanta.
Waxay ahayd bishi May 2023 markii hub Shiinuhuu kusoo caawiyey Huwanta lagu qabtay dekadda Muqdisho. Hubkaas oo dawladda Shiinuhu usoo dhiibtay nin Somali ah oo magaciisa la yidhaahdo Zakariya Kamaal ayaa waxa lasoo mariyey dhawr dal waxaana akhirki soo gaadhay Kenya halkaasoo laga soo gudbiyey ilaa Somalia.
Zakariya Kamaal oo dalka Kenya ku dhuumanaya ilaa bishii May ayaa dhawaan si qarsoodi usoo galay Somalia hasa yeeshee dabayaaqaii bishii September ee lasoo dhaafay ayaa waxa gacanta ku dhigayy Sirdoonka Somalia. Markii la waydiiyey waxa ku kalifay inuu hub sharci darro ah dalka soo galiyo waxa uu ku jawaabay in aanu u jeedin dhibataynta dadka iyo dalka Soomalia balse doonayey in hubka la qabtay lagu laayo ciidanka Somaliand.
Leave a comment