Latest News

Wasiirka Daakhiliga Ee Somalia Fiqi Oo EU-da Ka Dalbaday In Mucaawimada Laga Joojiyo Somaliland

Muqdisho,October 11,2023(Haatufonline)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Axmed Fiqi ayaa wafdi ka socday EU-da ka dalbday inay joojiyaan mucaawimadii ay siin jireen dalka Somaliland. Wafdigan ayaa maanta magaalada Muqdisho shir lagaga hadlayey mucaawimada ay EU-du siin doonto Somalia sanadka 2024 kula yeeshay Raiisalwasaare ku xigeenka Somalia Saalax Jaamac,wasiirka Qorshaynta Maxamuud Sheekh Faarax Beene Beene iyo wasiirka Boosaha Jaamac Xasan Khaliif.

Fiqi oo nacayb gaar ah oon la ogayn halka uu salka ku hayo u qaba Somaliland oo isna kasoo qaybgalay kulankaaasi ayaa badka soo dhigay arinta mucaawimoooyinka waydda ah ee ay EU-du siiso Somaliland isagoo isku dayay inuu carqalad ku abuuro. Hase yeeshee labada masuul ee Jaamac Salaax iyo Beene Beene oo meesha ka hadlay ayaa si adag uga horyimid oo daadafeeyey qorshihii uu Fiqi watay waxaseh isagu Fiqi taageeray Wasiirka Boosaha Khaliif oo reer Laascaanood ah. Intaasi markay dhacday wasiirka qorshaynta Beene Beene ayaa ka dalbaday wasiir Khaliif inu shirka ka baxo waxaanu madasha ka sheegay in wasiirka Boosuhu aanu shaqo ku lahayn shirka oo marka horeba ay khalad ahayd inuu kasoo qaybgalo. Beene Beene ayaa dabadeed u jeedsaday dhinaca Fiqi waxaanu ku yidh ” Fiqiyow malaha adiga Firdhiyaa kugu neefsaday”.
Xubnaha wafdiga EU- da ayaan jeclaysan buuqa uu Fiqi shirka ka dhex abuuray waxaanay habdhaqankiisa ka dareemeen inuu muujinayo inuu raiisalwasaare ku xigeenka Saalax Xamar ka leeyahay oo uu kaga awood badanyahay. Fiqi ayaa dib u fadhiistay ka dib markii ay xubnaha Wafdigu ay u sheegeen in hadii aanu raiisal wasaare ku xigeenkiisii qadarinayn aanu iyagana ixtiraam u haynin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*