Sagaalkan su’aal iyo jawaabahooda kaga bogo waxa ka dhacaya Qasa
Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa weerar aan la fileyn ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, iyadoo dagaal-yahannadeeda ay gudaha u galeen magaalooyinka u dhow Marinka Gaza, waxayna dileen ugu yaraan 1,300 oo qof, iyagoo tiro kalena qafaashay.
In ka badan 2,215 oo qof ayaa lagu dilay gudaha Qasa tan iyo markii Israa’iil ay duqeymaha cirka ee aargoosiga ah ka fulisay Qasa waxaana sidoo kale la filayaa weerar dhulka ah.
Maxaa ka dhacaya Marinka Qasa?
Israa’iil ayaa u sheegtay qof walba oo ku nool waqooyiga Marinka Qasa – qiyaastii 1.1 milyan oo qof – inay aadaan dhanka koofureed muddo 24 saac gudahood ah, waqtigan ayaana hadda la dhaafay. Waxay ka dooneysaa inay u qaxaan Waadiga Qasa.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan tan suurtogal ahayn waxayna Israa’iil ka codsatay inay ka laabato amarkan, iyadoo ka digtay “cawaaqib xumo ba’an oo bani’aadannimo”.
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in qeybaha caafimaadka ee Qasa ay u sheegeen inaysan suurtogal ahayn in meesha laga saaro bukaannada nugul.
Xamaas, oo gacanta ku heysa Marinka Qasa, ayaa dadka rayidka ah u sheegay inay iska indho tiraan amarkan, iyagoo ku sheegay “borobogaando been abuur ah”. Si kastaba, dad badan ayaa isaga baxaya halkaas.
Haweenka iyo carruurta yaryar ayaa ka mid ah qaar badan oo lagu dilay halkaas markii duqeymo cirka ah ay haleeleen kolonyo ay uga qaxayeen waqooyiga Qasa.
Sidee ayay Israa’iil u qaadi doontaa weerar dhulka ah?
Hadafka Israa’iil ee ay caddeysay waa inay burburiso Xamaas.
Waxay xudduudaheeda Gaza geysay kumannaan askari, iyo taangiyo iyo madaafiic.
Ilaa 300,000 oo ciidan keyd ah ayay ku biirisay ciidanka gaaraya 160,000.
Militariga Israa’iil ayaa isu diyaariyay weerar iyagoo ilaa 6,000 oo bamboo geeyay Qasa, iyagoo beehgsanaya hoggaamiyeyaasha Qasa iyo meelaha ay gacanta ku hayaan.
Mid ka mid ah meelaha bartilmaameedka u ah waa godadka dhulka hoostiisa ee Xamaas, kuwaasoo isku xira saldhigyada dhulka hoose ee taliska kooxda.
Waa maxay Xamaas maxayse dooneysaa?
Xamaas waa koox Falastiini ah taasoo Marinka Qasa gacanta ku heysay tan iyo sanadkii 2007.
Kooxdan ayaa ku dhaaratay burburinta Israa’iil waxayna dooneysaa inay ku beddesho dowlad Islaami ah.
Xamaas ayaa dhowr dagaal la gashay Israa’iil tan iyo markii ay awoodda la wareegtay.
Waxay Israa’iil ku gantay – amaba u oggolaatay kooxaha kale inay ganaan – kumannaan gantaallo ah, waxayna fulisay weerarro kale oo uu dhiig ku daatay.
Iyadoo ka falcelineysa, ayay Israa’iil dhowr jeer ku weerartay Xamaas duqeymo cirka ah, waxayna ciidamo u dirtay Qasa markii ay socdeen labadii dagaal. Mid ay Masar ku lug lahayd, waxay xannibaad saartay Marinka Qasa tan iyo sanadkii 2007 iyadoo ku sheegtay sababo ammaan.
Xamaas – amaba meelaha qaar garabkeeda militari, ee Izzedine al-Qassam Brigades – ayaa waxaa koox argagixiso u aqoonsan Israa’iil, Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK, iyo sidoo kale quwado kale.
Iiraan ayaa taageerta kooxdan, iyadoo siisa maalgelin, hub iyo tababar.
Waa maxay marinka Gaza muxuuse muhiim u yahay?
Marinka Qasa waa dhul dhererkiisu dhan yahay 41km (25-mile) ballaciisuna yahay 10km, wuxuuna u dhexeeyaa Israa’iil, Masar iyo badda Mediterranean-ka.
Markii ugu horreysay oo ay Masar qabsato, Gaza waxa Israa’iil ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967 oo ay weheliso Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.
Israa’iil waxay ciidamadeeda kala baxday sanadkii 2005, waxaana halkaa degganaa ku dhawaad 7,000 oo qof.
Waxay hoy u tahay qiyaastii 2.2 milyan oo qof waxayna leedahay mid ka mid ah cufnaanta dadweynaha ee ugu sarreeya adduunka.
In ka badan 75% dadka Gaza – ilaa 1.7 milyan oo qof – waa qaxooti diiwaangashan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. In ka badan 500,000 oo iyaga ka mid ah waxay ku nool yihiin siddeed kaam oo dadku ku badan yihiin oo ku yaalla agagaarka marinka.
Israa’iil ayaa maamusha hawada sare ee Gasa iyo xeebteeda, waxayna si adag u maamushaa isu socodka dadka iyo badeecadaha ka gudbaya xuduudaheeda.
Sidoo kale, Masar ayaa maamusha cidda ka soo baxda iyo kuwa soo gala xadka ay la wadaagto Gaza.
Waa maxay go’doominta’ Qasa?
Weerarkii Xamaas ka dib, Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay “go’doomisay” Qasa – oo jartay sahaydii ay siin jirtay sida korontada, shidaalka, cuntada, badeecadaha iyo biyaha.
Israa’iil waxay ku hanjabtay inaysan qaadi doonin go’doominta Qasa ilaa laga soo daynago qafaalanayaasha gacanta ugu jira Ururka Xamaas.
Qasa ayaaa koronta la,aan ah,waxaana dantay Xarunta Dhaxe ee korontada Qasa ka dib markii shidaalkii dhamaaday,Nidaamka biyaha iyo bulaacadaha ayaa la filayaa inay xirmaan, nolosha guryaha, isbitalada iyo ganacsiga Qasa waxay ku tiirsan yihiin korantada oo ku xiran shidaalka, qoysaska, isbitaallada iyo ganacsiyada Gaza waxay ku tiirsan yihiin koronto-dhaliyeyaasha – haddii ay haystaan shidaalka ay ku shaqeeyaan.
Xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Qasa ayaa weli xiran. Marinka Rafax oo ay maamusho Masar ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday duqeymaha cirka ee Israa’iil, waxaana inta badan la xiray ama si aad ah loo xaddiday.
Waa maxay Falastiin?
Daanta Galbeed iyo Qasa, oo loo yaqaan dhulalka Falastiin, iyo sidoo kale bariga Quddus iyo Israa’iil, waxay dhammaantood ka samaysteen qayb ka mid ah dhulkii loo yaqaannay Falastiin laga soo bilaabo xilligii Roomaanka ilaa bartamihii qarnigii 20aad.
Waxa kale oo ay ahaayeen dhulalkii boqortooyooyinkii Yuhuudda ee Kitaabka Quduuska ah, oo ay Yuhuud badani u arkaan waddankoodii hore.
Israa’iil waxaa lagu dhawaaqay dawladd sanadkioi 1948-kii, in kasta oo dhulkaas ay weli Falastiin ugu yeeraan kuwa aan aqoonsanayn xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda.
Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale magaca Falastiin u adeegsada dallad ahaan Daanta Galbeed, Gaza iyo Bariga Quddus.
Madaxweynaha Falastiin waa Maxamuud Cabaas, oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Mazen. Waxaa fadhigiisu yahay Daanta Galbeed ee ay heysato Israa’iil.
Wuxuu hoggaamiyaha Maamulka Falastiin ahaa tan iyo sanadkii 2005, wuxuuna wakiil ka yahay xisbiga siyaasadeed ee Fatax, oo ay xurguf ba’an ka dhaxeyso Xamaas.
Maxay Xamaas u qaadday weerarkeedii ugu horreeyay?
Inkastoo weerarka ay kooxda qaadday 7-dii Oktoobar aanan la fileyn, haddana wuxuu kusoo aaday xilli ay kacsaneyd xiisadaha Israa’iil iyo Falastiin.
Sanadkan wuxuu Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la heysto u ahaa kii ugu ba’naa ee dhiigga uu ku daatay, taasoo laga yaabo inay tahay waxa Xamaas ku qasbay inay weerarka qaaddo.
Xamaas ayaa sidoo kale laga yaabaa inay raadineyso guul barobogaando ah si ay caan uga noqoto gudaha dadka caadiga ah ee Falastiiniyiinta.
Qabsashadii dadka Israa’iil u dhashay ayaa loo maleynayaa in looga gol leeyahay in Israa’iil lagu cadaadiyo sii deynta qaar ka mid ah 4,500 oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa sidoo kale jira warar la isla dhex marayo oo ah in weerarka ay dhiirrigelisay Iiraan, inkastoo Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan uu beeniyay in dalkiisa uu ku lug leeyahay.
Iiraan iyo Xamaas ayaa sidoo kale aad uga soo horjeestay heshiiska nabadda taariikhiga ah ee Israa’iil iyo Sacuudiga.
Tan ayaa laga yaabaa inay Meesha ka baxdo haddii falcelinta militariga Israa’iil ee weerarrada Xamaas uu caro badan ka dhex abuuro Dunida Carabta.
Siduu kan ka yahay weerarradii hore ee Xamaas?
Tifaftiraha caalamiga ah ee BBC Jeremy Bowen ayaa sheegay in kani uu yahay weerarkii ay aadka ugu hanweyneyd Xamaas ee abid ay kasoo qaaddo Qasa, iyo kii ugu ba’naa ee Israa’iil ay wajahdo muddo sanado badan laga joogo.
Dagaalyahannada ayaa dhowr meel ka gudbay siligga kala qeybiya Gaza iyo Israa’iil.
Maxaysan sirdoonka Israa’iil uga sii warqabin weerarkan?
Marka la eego awoodda ay leeyihiin Shin Bet, oo ah hay’adda ammaanka gudaha ee Israa’iil, hay’addeeda sirdoonka gudaha ee Mossad, iyo dhammaanba qalabka ay heystaan ciidamada gaashaandhigga Israa’iil, haddana weriyaha ammaanka ee BBC Frank Gardner ayaa sheegaya in cidna aysan siis aadaalin arrintan amaba ay ku guul darreysteen inay ka fal celiyaan haddii ay heleen digniin.
Israa’iil ayaa waxaan muran ku jirin inay leedahay hay’adda aadka loo maalgeliyay ee Bariga Dhexe, iyagoo wakiillo ku leh gudaha kooxaha Falastiiniyiinta, iyo sidoo kale gudaha Lubnaan, Suuriya iyo meelaha kale.
Xadka u dhaxeysa Gaza iyo Israa’iil waxaa ku xiran kaamirooyin iyo qalab kale.
Balse Xamaas ayaa si fudud uga gudbay xadka, iyagoo jaray godadka siligga amaba Israa’iil kasoo galay dhanka badda.
Leave a comment