Wasiirka Maaliyadda Djibouti Oo Maan Gaabnimo Ku Tilmaamay In Israel Lagaga Guulaysan Karo Badeecadaha mara Baabal Mandeb Oo La Carqaladeeyo
Djibouti,December 2o,2023(Haatufonline)-Wasiirka Maaliyadda dawladda Djibouti Ilyaas Duwaale oo ka hadlaya xaaladda ammaanka Badda Cas ee sii xumaanaysa ee ay sababeen weerarada ay Xuuthiyiinta Yemani la beegsanayaan maraakiibta isticmaasha biyaha koonfurta Badda Cas gaar ahaan surinka Baabal Mandeb ee u dhaxeeya Djibouti iyo Yeman ayaa
qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay waxa uu wasiirku Badda Cas iyo Baabal Mandeb ku tilmaamay goob dan guud ah oo la wada leeyahay waxaanu yidhi “Djibouti iyo mandaqadeena markeeda horeba dhaako dhaakada ahayd uma taag hayaan culaysyo kale oo dibadda kaga yimaadda”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu raaciyey oo uu yidhi
“Waxanu si adag u cambaaraynaynaa falalka waxshinimada leh ee ay Israel u gaysanayso Falastiniyiinta hasayeeshee waa fikrad maan gaabnimo ku dheehantahay hadii loo haysto in dawladda Israel lagaga guulaysan karo badeecadaha iyo dadka mara Baabal Mandeb oo la carqladeeyo”.
Leave a comment