Xuuthiyiinta Oo Sameeyey Xidhiidho Dib Loogu Soo Noolaynayo Budhcad Badeedii Somalia.
Hargeisa,December 21,2023( Haatuf Online)- Xuuthiyiinta Yeman ayaa xidhiidho ujeedadoodu tahay dibu soo noolaynta badhcad badeednimadii Somalia la sameeyey niman ka ganacsada hubka qayrul shar ciga ah ee laga soo iibsado Yemanta waqooyi iyo koonfureed ee Somalia laga soo galiyo xeebta gobolka Puntland gaar ahaan labada dekadood ee Bosaaso iyo Garacad ee ku yaala Badweynta Hindiya. Sidaasna waxa noo sheegay Ilo ku sugan dekadda Boosaaso ee hoostomaadda maamul goboleedka Puntland ee Somalia.
Xuuthiyinta oo baryahanba weeraro la beegsanayey maraakiibta badeecadaha daabusha ee isticmaasha Badda Cas gaar ahaan biyaha ku dhaw surinka Baabal Mandeb iyadoo ay weeraradaasi ku tilmaameen qaar ay ugu hiilinayaan Falastiiniyiinta reer Qaza oo ay Israel ka dishay ku dhawaad 20 kun tan iyo bishi Oktoobar.
Siday ilahayagu noo sheegeen Xuuthiyiinta ayaa ganacsatada hubka ee ay wada hadleen ka dalbaday inay la xidhiidhaan kooxihii hore ee budhcad badeedka ahaa si ay usoo cusboonaysiyaan hawlahoodii iyadoo ay Xuuthiyiintu ku balanqaadeen inay si dhakso ah u maalgalin doonaan kooxaha u horeeya ee hawlgala isla markaana siin doonaan qalab,hub ,saanad iyo isgaadhsiin casri ah oo ay halahooda ku fushadaan.
Siday u sheegeen ganacsatada hubka , Xuuthiyiinta ayaa doonaya in budhcad badeedda ay Somalia ka abaabulayaan culayska saaraan sadex jiho oo kala ah biyaha Gacanka Cadmeed,Badda Arabian Sea( Baxrul Carab ) ee dalka Cumaan kaga beegan dhinaca bari
iyo biyaha galbeedka Badweynta Hindiya.
Xuuthiyiintu waxay nimanka hubka iibsada kula heshiiyeen in xidhiidhka ay doonayaan inay la yeeshaan kooxaha budhcad badeedu u noqdo mid dadban oo ay gacasatada hubku labada dhinac u dhaxeeyaan.
Leave a comment