Latest News

Baddi Caseed Oo Laga Caagay Iyo Hawlgalada Xuuthiga Iyo Budhcad Badeeda Oo Kusii Fidaya Badwaynta Hindiya

Haatufonline,May 12,2024

Waxa maraakiibtii dekadaha u kala gooshi jirtay iyo isku socdkii ganacsiga caalamka soo waajahay walaac cusub oo laga qabo kooxda Iran taageerto ee Xuuthiyiinta iyo budhcadbadeeda Somalia oo hawlgaladoodii hadda ku fidiyey Badwaynta Hindiya.
Weerarada ay Xuuthiyiintu ku qaadaan maraakiibta ayaa ilaa hadda waxay ku koobnaayeen manaqadda Badda Cas gaar ahaan marinka cidhiidhiga ah ee Baabul Mandeb inkastoo markii dambe ay weeraradoodii gaadhsiyeen Gacanka Cadmeed ee qarkiisa koonfureed ay kaga taalo Somaliland .
Si ay uga nabadgalaan Xuuthiga waxay maraakiibtii u kala gooshi jirtay Aasiya,Bariga Dhexe iyo Yurub ee isticmaali jirtay Badda Cas ay badankoodi u weecdeen dhinaca Koonfur Afrika halkaas oo ay ka wareegaan sii socod iyo soo socodba taasoo muddo 10-14 maalmood ah ku kordhinaysa safarkii maraakiibta.
Hadaba labadii bilood ee u dambeeyey waxay Xuuthiyiintu balaadhiyeen weeraradi ay qaadi jireen iyadoo ay gaadhsiiyeen oo ay maraakiib ku weerareen biyaha Badwaynta Hindiya ee ku beegan Afrika. Isla markaana waxa dib usoo laabatay budhcad badeedii Somalia oo iyaguna Badwaynta Hindiya ka bilaabay afduubka maraakiib madaxfurasho laga siiyo.
Inkastoo aan wali si qoto dheer loo xaqiijin warar dhawaan soo baxay oo sheegayey inay isku xidhmeen Xuuthiyiinta iyo budhcad badeeda kasoo jeedda deegaan xeebeedka gobolka Puntland ee Somalia, hadana waxa hubaal ah in dhaqdhaqaaqyada ay Xuuthiyiinta iyo Budhcad badeedu ka bilaabeen Badwaynta Hindiya ay ku Galifianakis doonto qaar badan oo ka mid ah shirkadaha gaadiidka badda inay joojiyaan
maraakiibtoodii ka wareegi jirtay Koonfur Afrika.
Waxaseh aan wali jawaab loo haynin suaasha ah muxuu caalamku yeeli doonaa kol hadii marinkii Badda Cas iyo Kanaalkii Suways ku dhawyihiin inay gabi ahaanba xidhmaan hadii ay Badwaynta Hindiya iyaduna noqoto goob looga caagay hawlgalada isbar-kan ee ay Xuuthiga iyo budhcad badeeda Soomaalidu halkaas ka wadaan?

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*