Latest News

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo maanta kulan u qabtay Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda.

Hargeysa, May 16, 2024 (Haatufonline) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kulan u qabtay daneeyayaasha Doorashooyinka gaar ahaan Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda.
Kulankan oo ujeedkiisu ahaa diyaargarowga Doorashooyinka 2024 ayaa waxay Komishanka doorashooyinka qaranka la wadaageen Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda arimahan:

  1. Nuqulada Liiska Cod-bixiyayaasha Kama-danbaysta ah ee Goobaha Doorashooyinka 2024 (Polling Station FVL).
  2. Qorshaha iyo Khariidadda Doorashooyinka 2024 (Election Roadmap & Timeline) oo faahfaahsan.
  3. Qorshaha Nidaamka Hubinta Cod-bixiyayaasha Baayoomitrig ah (Biomitric Voter Verification System) ee Doorashooyinka 2024.
    Kulankaas ayey labada dhinac isku weydaarsadeen afkaar iyo talooyin badan oo ku saabsan sidii ay dalka JSL ugu qabsoomi lahayd Doorashooyin hufan, daahfuran oo xor iyo xalaal ah. Waxaana muhiimadda uga weyn lays ku raacay arinta dhaqaalaha oo ah halbowlaha shaqada Komishanka doorashooyinka qaranka ee qabsoomida Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL 2024.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*