Xidhiidhka Somaliland-Ethiopia Oo Meeshii Ugu Saraysay Maraya
Hargeysa, May 17, 2024 (Haatufonline) – Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya Tan iyo intii labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia ay kala saxeexdeen heshiiska isfaham.
Waxaanay Labada dhinac ay yeesheen kulamo muhiim ah oo ay ku kulmeen Taliyayaasha Milatariga, Booliska iyo Sirdoonka oo mid kastaaba uu si heer sare ah ula kulmay dhigiisa.
Dalka Ethiopia ayaa kor u qaaday darajada Safiirkooda u fadhiya Hargeysa, Somaliland.
Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde ayaa Arbacadii todobaadkan magacawday 24 safiir oo uu ku jiro safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland oo la yidhaa Ambassador Delil Kedir Bushra.
Darajadan dalka Ethiopia uu kor u qaaday safiirkooda Somaliland, ayaa imanays xili ay waxba ka fuli waayeen amar Somalia ay ku sheegtay inay ku xidhay qunsuliyada Ethiopia ay ku leedahay Hargeysa iyo Garoowe.
Dhinaca kale wadahadalo Kenya iyo Jabuuti ay iskaga dab qaadayeen Somalia iyo Ethiopia ayaa fashilmay kadib markii Ethippia diiday dalabka Somalia ee ah in Ethiopia ay ka noqoto heshiiska Saldhiga Milatari ee ay la gashay Somaliland.
Leave a comment