Latest News

Jaaliyadda Somaliland Ee UK Oo Isu-soo-bax Balaadhan Ku Dalbaday Aqoonsi Iyo Masuuliyiin Kala Qaybgalay.

London, May 19, 2024 (Haatufonline) – Banaanbax balaadhan, oo loogu Dabaaldegayo Xuska Qaranimada Somaliland ee 18ka May, ayaa ka dhacay Magaalada LONDON ee dalka Ingiriiska.
Bananbaxa oo ka dhacay Fagaaraha caanka ah ee Trafalgar square ee magaaladda London, ayaa waxa ka qaybglay Masuuliyiin ka tirsan dawlada Somaliland oo ka qayb-galay dibadbaxaas.
isu-soo baxa lagu muujinayo qaranimada Somaliland ee 33-jirsatay, ayaa waxay masuuliyiinta ka qaybgashay dadweynaha kala hadlay fagaarahaas, waxanay sheegeen in qaranimada Somaliland tahay mid laba taabtaan ah, sidoo kale waxa beesha caalamka iyo Dalka UK, loogu baaqay inay aqoonsadaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbanaan, isla markaana hore uga qaatay maxmiyadii Ingiriiskii 1960kii, balse Midowgii lagu khasaaray la gashay Somaliya. iyadoo 1991-kii na dib ula soo noqotay xornimadeeda.
Masuuliyiinta iyo madaxda Somaliland ee ka qaybgashay Dibad-baxyadaas waxa kamid ah, Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo hawlo gaar ah hada u jooga dalka Ingiriiska, kaasoo muhiimadda ay leedahay munaasibada 18ka May awgeed dadweynaha JSL kula Dabaal-deggay halkaas.
Sidoo kale, Masuuliyiinta iyo madaxda kale ee sida weyn uga dhex muuqday dibadbaxyadaas waxa kamid ah Gudoomiyaha Abaabulka Xisbiga Kulmiye Sheekh Saleebaan Siciid Cali, oo muujiyay dareenka weynaynta madaxbanaanida Qarammada Somaliland.
Gudoomiye Sheekh Saleebaan, oo Fagaaraha ka hadlay, ayaa dadweynaha Magaalada London iyo Gobolnimada kale ee Uk ka yimi ku boggaadiyay weynaynta iyo iibgeynta qadoyada gooni-isu-taaga qaranimada Somaliland oo u sheegay inay tahay lama taabtan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*