Jawhar,December 11,2022(Haatufonline)-Waxa 48kii saacadood ee u dambeeyey laga hortagay 2 qorsheyaal oo kooxda Alshabaab damacsaneyd inay qaraxyo ka fuliso gobolka Shabeellada Dhexe.
Ciidamada Macawislayda iyo kuwa dawladda ayaa weeraro la beegsaday laba goobood oo ku kala yaala deegaanka Dhaba-Libeey iyo deegaanada u dhaxeeya Basra iyo Sabyo ,waxaanay dawladdu sheegtay in hub, walxaha qarxa iyo xubno ka tirsan Alshabaab lagu dilay qaarna lagu soo qabtay hawlgaladaasi iyadoo laga gaadhay intii aanay fulinin qorsheyaashoodi qarxinta ahaa.
Copyright © 2020 | Haatuf Online