Latest News

Xukuumadda Somaliland Oo Hadashay Geerida Madaxweynihii Dalka Iran.

Hargeysa, May 20, 2024 (Haatufonline) -Xukuumadda Somaliland ayaa Ka hadashay Shilka diyaaradeed ee sababay geerida Madaxweynihii dalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Ebrahim Raisi, waxaanay dhambaal tacsi ah u dirtay dawladda iyo shacbiga dalkaas.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga ah Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa Dowladda iyo shacbiga dalka Iran ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ku geeriyooday shil-diyaaradeed oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Woqooyi-Galbeedka dalka Iran.

Wasiir Ciise Keyd oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa twitter-ka, wuxuu sheegay isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Somaliland inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo shacbiga iyo xukuumadda Iiraan oo uu xusay inay la wadaagayaan murugada geerida lama-filaanka ee ku timi madaxweyne Ebrahim Raisi.

Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Iran oo ku safrayey saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga ukaca ah ayaa ka soo laabtay Gobolka East Azerbaijan ee Woqooyi-Bariga Iran, halkaas oo madaxweynuhu kaga qayb-galay xadhig-ka-jarka biyo-xidheen laga hirgeliyey meel u dhow xuduudka u dhexeeya Iran iyo Azerbaijan halkaas oo ay dhiggiisa dalka Azerbaijan wada-jir xadhigga uga jareen biyo-xidheenka oo labada dowladood iska kaashadeen.

Diyaaraddii uu la socday madaxweynaha Iran ayaa mar kaliya la waayey, halka labadii diyaaradood ee kale si nabadgelyo ah u yimaaddeen caasimadda Tehran, waxaana ilaa xalay lagu gudo-jiray baadi-doonka burburka diyaaradda madaxweynaha, waxaana ka qayb-qaatay gurmad kala duwan oo ay direen dalalka Turkey iyo Russia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*