Latest News

21.3 Bilyan M3 Gas Ah Oo Laga Helay Ethiopia

Addis Ababa,June 17 2024(Haatufonline)- Dawladda Ethiopia ayaa horaantii todobaadkan ku dhawaaqday in 21.3 bilyan M3 gas ah laga helay dhul ku yaala dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Warkan oo kasoo baxay wasaaradda Itoobiya u qaabilsan Macdanta iyo Shidaalka ayaa waxa lagu sheegay in kadib markii la qoday 19 ceel oo sahamin ah la ogaaday in Gas – ka ku jira deegaanka la baadhay uu gaadhayo 21.3 bilyan M3.
Sida la sheegay waxa sanadka soo socda la bilaabi doona soo saarista Gas-ka la helay taasoo la filayo in Ethiopia ay wax badan kaga maaranto shidaalkii ay kasoo iibsan jirtay dibadda iyadoo ay jiraan gobolo kale oo lagu sheegay in Gas iyo Batrool ku jiraan sida Metema,Mekele Gambella iyo Omo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*