48 Saacadood Ee Soo Socda Fahad Iyo Rooble Kee Lawaayi Doonaa
Muqdisho,Septrmber 4 2021( Haatufonline)-Raiisalwasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Nisa Fahad Yaasiin u qabtay 48 saacadood gudahood inuu ku keeno warbixin waafi ah oo cadaymaheedii wadata oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil.
Fahad Yaasiin wuxu xiligan ku suganyahay dalka Turkiga gaar ahaan magaalada quruxda badan ee Istanbuul halkaas oo uu aroos ku yahay. Sida lagu yaqaanay Fahad Yaasiin maaha nin dheg u dhigaya amarka uu caawa bixiyey raiisal wasaaraha Somalia,Nisa -dii u madaxda ka ahaana waxaabu uu kaga sii tagay Kulane Jiis Mareexaan oo u Rooble waa dhaweyd ka qaaday xilkii uu Nisa ka hayey balse wax yar kadib uu Fahad soo celiyey iyadoo aanu Rooble wax talaabo ah ka qaadin talabadaas xiniinyo taabad-ka ah ee uu Fahad ku kacay.
Tan iyo habeenkii Jimcihii ee ay Nisa warkii la yaabka ahaa kasoo saartay kiiska Ikraan,waxa Rooble soo fuulay culays aad u farabadan oo kaga imanayey xagga dadweynaha in la helo xogta dhabta ah ee ku saabsan cidii ka dambaysay ee ku lug lahayd kiiska Ikraan.
Hadaba hadii 48 saacadoo ee soo socda uu Fahad kasoo bixi waayo waajibkii la faray,Rooble xilka ma ka qaadi doonaa?.Hadiise u Fahad diido inuu xilka tiriyo oo Farmaajana ku raaco, Rooble ma is-casili doonaa ilayn waji uu dadki kula noqdaa uma hadhine ?.