Latest News

60% Shilinkasta Oo Kenya Soo Galaa Wuxu Ku Baxaa Dayn-Bixin

Haatufonline June 30,2024

Sanadkan 20024 wuxu ku bilaabmay dalalkii Afrika oo badankoodu la ciirciirayaan iska-bixinta daymanka farahbadan ee ay galeen ee dibadaha lagaga leeyahay.
Sida uu sheegay Madaxweynaha Kenya William Ruto horaantii sanadkan,Shilinkasta oo khasnadda dawladda soo gala waxay boqolkiiba lixdan ku baxaan iska-bixinta amaahaha Kenya lagu leeyahay.
Lacagta badan ee dalalka Afrika kaga baxada dayn-celinta ayaa waxay sababtaa in dawladdu ay lacag u waydo ooy baylihiso adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay bulshada u qaban jirtay sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Waa sababta kaliftay in Ruto cashuuro cul culus kusoo rogo shicibka taasoo uu uga dan lahaa inuu abuuro dakhli dheeraad ah oo dhan $ 2.7 bilyan. Laakiin talaabadaasi waxa ka dashay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay Kenya taasoo keentay in dawladdu ka noqoto cashuurtii cusbayd.
Shiinaha ayaa ah cidda daynka ugu badan ku leh Kenya waxaana sanadkii 2023 lagu qiyaasay lacag ka badan $ 6 bilyan iyadoo
sadexdii bilood ee u horeeyey miisaaniyad sanadeedkaasi ay dawladdu bixisay $ 471 milyan taasoo lagu bixinayey qayb ka mid ah dayn uu Kenya ku lahaa baanka Shiinaha ee Exim Bank of China iyadoo $160 Milyan oo lacgtaas ka mid ahi ahaayeen faaiidadii dulsaarka (interest) halka sadexdii bilòod ee horaysay miisaaniyad sanadeedkii 2022 uu dulsaarku ahaa $77.6 Milyan.

Shiinahu ma yaqaano dayn cafin. Dawladaha Afrika markay dhaafaan mudadii loo qaybtay inay amaahda kusoo celiyaan,baananka Shiinahu waxay u sameeyaan muddo kordhin laakiin waxa taas la socda dulsaarkii (interest) oo kusii laban laabmaya.
Baananka Shiinuhu waxay amaahaha ay siiyaan Afrika dulsaaraan ugu yaraan 3% faaiido ah halka Baanka Aduunku ama faaiidada ka dhaafo ama wax yar oon culays ku keenin saaro. Baanku Aduunku waxa kale oo uu bixiya lacago taakulayn mucaawimo ah.
Dhinaca kale Shiinuhu ma soo bandhigaan shuruudaha ay ku xidhaan daymanka ay bixinayaan ee ay la galaan dawladaha ay siinayaan taasoo uu ka dhasho shaki wayn oo ah in wax la musuqmaasuqay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*