Afar Laash Oo Siday Muhaajiriin Oo Ku Qaraqmay Badda U Dhaxaysa Djibouti Iyo Yaman

Haatufonline,March 7,2025
Muhaajiriin tiradooda lagu qiyaasay 186 qof ayaa wali la la’yahay ka dib markii ay afar laash oo ay kala saarnaayeen kula qaraqmeen badda u dhaxaysa Djibouti iyo Yaman.
Afhayeenka hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan hijrada dadka ayaa sheegay in laba ka mid ah laashasku ku qaraqmeen meel ku dhaw xeebta Djibouti ka dib markii ay dabayl xoogani ku habsatay.
Labada kale ayaa ku dagay laba meelood oo kala duwan oo ku kala beegan magaalo xeebeedka Dubaab ee waqooyiga Yaman iyo Axwar oo ku taala xeebta gobolka Abyan ee koonfurta Yaman.
Afarta laashba ayaa waxa waday shaqaale Yamaniyiin oo dadka tahriibya.
Sida laga soo wariyey Qaramada Midoobay waxa jidkan halaaga ah ee u dhaxeeya Yaman iyo Geeska Afrika sanadkii 2024 ku qaraqmay muhaajriin tiradooda lagu qiyaasay 558 qof.
Leave a comment