Latest News

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Oo Soo Xidhay Shirka Mareegta Guud ee Maamul Wanaaga

Hargeysa December 14, 2022 (Haatufonline) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa soo xidhay shirka Mareegta guud ee Maamul wanaaga, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arimaha Gudaha,muddo laba casho ahna ka socdey Hotel Maansoor, Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa ku mahadnaqay ka soo qayb galayaasha iyo sida looga dooday mudadii uu socdey shirkani qorshaha Qaranka ee Saddexaad.

Agaasimaha Guud ayaa ka waramay muhiimada uu leeyahay Governance sector meetings, kaasoo ka mid ah shanta tiir ee ay ka yimaadaan qorshaha Qaranku, ayna ku jiraan qaar ka mid ah Hay’adaha Dawladda, Donors ka ama Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga ah intuba.

Shirkan oo la qabto saddexdii bilood hal mar, waxaa lagaga doodaa qorshaha Qaranka, sida Amniga, Cadaaladda, mashaariicda horuumarineed iyo ilaalinta Degaanka.

Xidhitaanka shirkan waxaa kale oo ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo khubad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey, isagoo ku dheeraaday qaabka aynu ku hormarin karno dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo la is kaashanayo, Agaasimaha ayaa sheegay muhiimada uu Qaranka u leeyahay Mareegtan Maamul Wanaaga oo ay hoos imanayaan wax badan oo dalka iyo dadka faa’iido leh,laguna gorfeeyo horuumarka iyo maamul wanaaga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*