Al-Shabaab Oo Deegaamo Shabeellaha Hoose Ku Yaala Lagala Wareegay

Basra, September 30, 2022 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ay saaka si buuxda u la wareegeen deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalo ayaa deegaamadan maalmihii la soo dhaafay ku dhexmarayey Ciidamo deegaanka oo kaashanaya kuwa Dawlada Somalia iyo Al-Shabaab.
Maalintii shalay ayay ahayd markii ay ku dhinteen hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Taliyihii booliska ee gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabad caan ah oo la yidhaa Cilmi Hagar Guure.
Leave a comment