Al-shabaab Oo Weerar Khasaare Badan Geystay Ku Qaaday Hotelka Elite Ee Muqdisho
Muqdisho, August 16, 2020 (Haatuf) – Wararkii u dambeeyey ee ka soo baxaya weerar ururka Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka Elite ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashadu ay kor u kacday.
Weerarkan oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qaraxa laga
soo buuxiyey ayaa lagu qaaday hotel Elite oo kuyaala xeebta Liido ee magaalada
Muqdisho, waxaana ku dhintay In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin
dowladdeed, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 kalena.
Dadka dhintay ayaa wax aka mid ah Agaasimihii Wasaaradda
Warfaafinta ee xidhiidhka gobolada Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi iyo sarkaal
katirsanaa wasaaradda gaashaandhiga.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen inay
hotel ku sugnaayeen masuuliyiin katirsan dowladda oo si dhow xidhiidh ula lahaa
madaxweyne Farmnaajo.
Dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka oo ay kamid ah saraakiil dowladda katirsan
iyo dad shacab ah ayay ciiddanka amniga kasoo badbaadiyeen.
Milkiilaha iska leh Hoteelka galabta la weeraray Cabdullaahi Maxamed Nuur oo
kamid ahaa dadkii lagasoo badbaadiyay hotelka ayaa sidan yidhi.” Dhammaan allah
ha un naxariisto inti ku dhimatay weerarki galabta ay dagaalamayaasha Al-shabaab
ku soo qaadeen shacab soomaaliyeed gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku
sugnaa inta dhaawaca ahna allah bogsiiyo, waana caafimaad dhamaan ehel iyo
asaxaaba” ayuu yidhi Milkiilaha Hoteel Elite Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Leave a comment