Alexandria: Soomaali-Maraykan Aad Loo Doondoonayey Oo Dacwado Gacan Siinta Al-shabaab Ah Lagu Soo Oogay
Alexandria, May 27, 2020 (Haatuf) – Liibaan Xaaji Maxamed oo ah Somali-Maraykan degan gobolka Virginia ayaa lagu soo eedeeyey inuu taageero u fidiyey kooxda ka dagaalanta Somalia ee Al-Shabab.
Liibaan ayaa dalka ka soo cararay sanadkii 2012 laguna tuhmay inuu isku dayay inuu qoro rag ku biira kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab ayaa lagu sheegay eedo lagaga soo oogay maxkamad federaalka, waxaana la tilmaamay in uu taageero maadi ah u fidiyay kooxda argagixisada ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu.
Liibaan Xaaji Maxamed oo degan Alexandria, Virginia, ayaa ah Somali-Maraykan haysta dhalashada Maraykanka, waxaana la qabtay isagoo wata gaadhi gudaha Virginia.
Liibaan ayaa markii ugu horaysay ay
ka shakiyeen FBI-du sanadkii 2010 qabashadii Zachary Adam
Chesser oo wakhtigaas ahaa 20 jir si
weyn u xiisaynaya aragtida Islaamiyiinta xagjirka ah isaga
iyo Liibaan oo ugu dambayntiina lagu xukumay dambiyo la xidhiidha
argagixiso oo xidhiidh la leh al. -Shabaab. Waxaanay FBI-du ay sheegtay
Chesser iyo Mr Liibaan inay ahaayeen saaxiibo aad iskugu dhow.
Mr Liibaan ayaa ka tagay Maraykanka bishii
July 2012, waxaanay sidaasi FBI-du ugu dartay liiska
Argagixisada la Doonayo.
Sanadkii 2015, waxaa la soo sheegay in Mr Liibaan uu kujiro gudaha
Soomaaliya, laakiin Maraykanku uusan lahayn heshiis is
dhaafsi ah gudaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiintuna si dhaqso ah ugamay hadlin
in Mr Liibaan laga siidaayay xabsi ku yaala gudaha
Soomaaliya.
Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Maraykanka ee
magaalada Alexandria ayaa sheegay in dacwad ooguhu Salaasadii
uu ku eedeeyey Mr Liibaan inuu isku dayay inuu shaqaaleeyo Dhalinyaro u safarta Soomaaliya
si uu tababaro dagaal ugu siiyo dagaalyahanada al-Shabaab.
Mr Liibaan
ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu u adeegsado xirfadiisa
warbaahinta si uu u hormariyo mashiinka dacaayada ee al-Shabaab, kaas oo ay ugu
adeegsan jireen askareynta reer galbeedka, sida uu xeer Ilaaliyuhu
Sheegay.
Leave a comment