Allahayow Nin Ii Daran, Maxaan Daafta Hore Seexshay (Ugaas Nuur Ugaas Rooble)

Ugaas Nuur waxa uu ahaa boqor taariikh weyn ku lahaa dhulka Soomaalida, gaar ahaana degmooyinka Boorama iyo Saylac ka hor intii gumeystuhu aanu qaybsanin dhulka Soomaalida iyo Afrika inteeda kaleba.
Ugaas Nuur Ugaas Rooble waxa uu dhashay qarnigii 19aad (sagaal iyo tobnaad afartanaadkiisii), waxaana la boqray isaga oon qaangaadhin, waxaanu dhintay Ugaasku qarnigan 20aad (labaatanaad bilawgiisii).
Dunida waa uu ku dhaafay xikado iyo murti xasuus iyo rayn rayn nolosha dhina walba sameeya.
Hadii aynu halkan tix gaaban oo gabayadiisii ka mid ah aynu eegno waxa aad ka arki kartaa hufnaanta siyaasadda iyo diblomaasiyada uu ku maamuli jiray dadkiisa.
Gabaygan oo aad ka fahmi karto garashadiisa siyaasadeed ama diblomaasiyadeed waxa weeye tixda dhinaca siyaasada gabayada Soomaaliyeed ugu wanaagsan.
- Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay
- Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey
- Jidhku nimaanu doonayn maxaan, hadalka deeqsiiyey
- Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay
- Weji dabacsan daymaan dareen, galin dubaaqiisa
- Debna furan dabuub una ka didin, deexashiyo muuso
- Qosol dibadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda
- Kanaan degey kanaan doorka biday, kani dan baan moodey
- Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba
- Dabinkaan u dhigo maalintuu, degelka soo saaro
- Intiiyoon dawaarka u rogoon, xeeladda u daadsho
- Isagoon dareen qabin maxaaan, kaga dayaansiiyey
Leave a comment