Alshabaab Oo Laga Dilay Masuulki Lacag Urururinta Ee Shabeelada Hoose Nuux Dhagool
Muqdisho,July 17,2021(Haatufonline)-Waxa Xalay deegaanka Caliyo-Boorow lagu khaarajiyey masuulkii ururka #Alshabaab u qaabilsanaa ‘cashuur’ ururinta gobolka Shabeelada Hoose ee Somalia oo magaciisa loo yaqaanay Nuux Dhagool. Hawgalka lagu dilay Nuux Dhagool oo ahaa mid qorshaysan waxa fuliyey koox ka mid ah ciidanka la dagaalanka argagixisada ee Danab.
Argagixisada Alshabaab ayaa meelkasta oo ay joogaan lacag baad ah xoog kaga qaada dadweynaha danyarta ah iyo ganacsatada taasoo dhibaato weyn oo xagga quutal daruurida ah ku haysa dadka saboolka ah ee ku nool deegaanada wali gacanta ugu jira hasayeeshee dilka Nuux Dhagool ayaa noqanaya waqcad dhabar jab ku ah dhaqaalihii Alshabaab kasoo gali jiray gobolka Shaabeellada Hoose.
Ciidanka Danab oo Maraykanku si gaar ah u tababareen ayaa sidoo kale hawgalo militari oo ka dhan ah argagixisada Alshabaab todobaadyadanba ka waday gobolka Galmudug ,waxaana la sheegaya in deegaanno balaadhan oo gobolkaas ka tirsan laga saaray ciidamafa Alshabaab.