Latest News

#Alshabaab Oo Maanta Dad Shicib Ah Ku Xasuuqday Suuq Ku Yaala Magaalada Bardaale

Bardaale,November 19,2021(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa maanta dad shicib ah ku xasuuqday suuq ku yaala badhtamaha magaalada Bardaale ee ku taala dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya kadib markii ay qarax la beegsaeen goob qaadka lagu iibiyo.
Qaraxan ayaa waxa ilaa hadda la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen 7 qof halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo qaarkood lagu soo waramay in xaaladoodu halis ku jirto.

Siday kusoo warameen dad goobjoog ahaa may jirin wax ciidamo ah oo ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay taasoo mar kale muujinaysa arxan darada Alshabaab ee aanay dilka iyo hallaagga u kala miyeen shicib iyo dawlad midkoodna.

Connect with us on Facebook