Latest News

Amb Maxamed Axmed Maxamuud Cawad oo La Wareegay Xilka Safaarada Somaliland Ee Dalka Ethiopia

Addis Ababa, October, 14, 2021 (Haatufonline) -Amb Maxamed Axmed Maxamuud Cawad oo dhawaan madaxweynaha JSL u soo magacaabay safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Ethiopia ayaa maanta xilkaasi kala wareegay ku-simaha safiirka ahna safiir-ku xigeenka Amb Barkhad Maxamuud Kaariye.

Safìir ku xigeenka Safaarada Somaliland ee dalka Ethiopia ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada waxa uu ku yidhi “Laba sanno oo inta badan isku hayay ku-simaha safiirka iyo safiir-kuxigeenka, waxa maanta farxad dhammaantayo noo ah in aan xilkii safiirka ku wareejiyo Amb Maxamed Axmed Maxamuud Cawad oo dhawaan madaxweynaha JSL u soo magacaabay safaaradda. Shaqo badan oo isku-duubni, wadajir iyo iskaashi ku dhisnaa oo ilaa Safiir Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle iyo dhammaan hawlwadeennada ah, waxa majaraha qabtay Safiir Cawad. Soo dhawoow Safiir.”

Dhinaca kale Safiirka Cawad oo maanta xilkaasi la wareegay ayaa yidhi ”

Waxaaan si rasmi ah ula wareegay shaqada safaaradda JSL ee dalka Itoobiya. Sharaf ayay ii tahay in aan u adeego dalkeyga noqdana safiirka safaaradda JSL ee Itoobiya, xilli xidhiidhka diblomaasiyaddeed ee labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya uu marayo meeshii ugu fiicnayd.

Marka hore, waxa aan halkan uga mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ii oggolaaday inaan noqdo safiirka dalkayga ku matalaya dalka Itoobiya.

Waxaan halkan mahad ballaadhan uga dirayaa safiirkii hore ee safaaradda JSL ee Itoobiya Amb. Yuusuf Maxamed Guuleed iyo Safiir-ku-xigeenka safaaradda JSL ee Itoobiya Amb. Barkhad Maxamuud Kaariye oo labadduba waqtigii ay joogeen safaaradda dadaal badan galiyey, guulo badanna u soo hooyey qaranka JSL.

Sidoo kale, waxaan hambalyeynayaa dhammaan hawl-wadeennada safaaradda JSL ee Itoobiya, sida quruxda badan ee ay wadaninimaddu ka muuqato ee ay ugu adeegayaan qaranka JSL.

Ugu dambayn, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dawladda Itoobiya oo aan sida ugu macquulsan ula shaqeyn doono si aan u sii xoojino xidhiidhka soo jireenka ah ee labada waddan.

Connect with us on Facebook