Amiirkii Horee Baar Sanguuni Cabdilaahi Sheekh Oo Ku Guulaystay Inuu Kaligii 100 Nin Kasoo Xareeyo #Alshabaab
Kismaayo September 19, 2021(Haatufonline)Cabdilaahi Sheekh Cabdi oo ka tirsanaa golaha Shuurada ee kooxda argagixisada Alshabaab ayaa waqtigan xaadirka ku mashquilsan kala furfurka ciidanka u dagaalama kooxdaasi gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Beesha Jareerweyne ee uu isaguna ka tirsanyahay.
Cabdilaahi waxa uu ilaa hadda ku guulaystay inuu kalidii Alshabaab kasoo xareeyo boqol ka mid ah dagaalyahanadoodi oo ay dawlad goboleedka Jubaland isuu soo dhiibaan iyadoo loo sameeyey barnaamij dibu jahayn aheyn oo dib loogu soo dabaalayo nolosha bulshada rayidka ah.Sida uu sheegay Cabdilaahi maamulka Jubaland ayaa qaar ka mid ah dhalinyarada isa soo dhiibay u furay meherado halka qaar kalena loo abuuray shaqooyin ay manaafacadsadaan.
Isagoo la hadlaya telefishanka Jubalandna Cabdilaahi wuxu sheegay in Alshabaab ay isku khilaafeen camallo ka dhan ah diinta oo ay ku kacaan sida dilka dad Muslim ah oon waxba galabsan iyo lacago baadoo ay dadka sako ahaan kaga urursadaan.Hasayeeshee wuxu Cabdilaahi ku taamaya in isagoo adeegsanayo tabo iyo xeelado u gaar ah uu boqolaal kale oo ka mid ah Alshabaab ku qanciyo inay kooxdaas argagixisada ah kasoo goostaan waxaanu u balanqaadaya in dawladda Jubaland ay si fiican usoo dhaweyn doonto.