AMISOM/ATMIS Iyo Hay’ada Sirdoonka Somalia Oo Kala Shakiyey
Muqdisho, April 5, 2022 (Haatufonline) – Warar lagu kalsoonyahay oo ka imanaya Somalia ayaa sheegaya in Hay’adda NISA iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM uu soo kala dhexgalay kala Shaki iyo khilaaf ku saabsan arrimaha amniga Xalane.
Khilaafkan ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay kadib markii ciidamo ka tirsan Nabadsugida NISA oo laba bar kantarool ku dhex leh xerada Xalane ay AMISOM ku wargalisay inay ka guuraan baraha ay halkaasi ku leeyihiin, sababo lagu sheegay walaac iyo kala shaki la xidhiidha dhinaca Amaankan.
Hase yeeshee War ay Hiiraanonline heshay ayaa intaa ku daraya in ciidamada NISA ay ka horyimadeen dalabka AMISOM, kaas oo keenay ismariwaa illaa iyo haatan ka dhextaagan labada dhinac. Waxaan la ogeyn in dalabka AMISOM iyo walaaca amni uu ka yimid kadib weerarkii 23-dii bishii hore ee March ay laba dabley oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig si adag loo ilaaliyo oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin meel aad ugu dhow Madaarka Muqdisho ee Adan Adde International Airport.
Khilaafkan cusub ee ka dhextaagan labada dhinac ayaa ku soo beegmaya kadib fariintii ugu dambeysay ee hey’adda NISA soo dhigtay bogeeda Twitter-ka lagu sheegeen inay jiraan iskudayo ay kooxda Al-Shabaab qorsheynayaan inay ku beegsadaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Somalia.
Waxaanay fariinta NISA imanaysaa kadib hadal ka soo yeedhay Raysal Wasaare Rooble oo uu ku sheegay ariinta qoraalka la soo dhigay bogga Twitter-ka NISA, waxaa ka horeeyay hadal uu hore u jeediyay isbuucii la soo dhaafay in loo soo diray fariimo hanjabaad ah.