AMISOM Oo Joojisay Dhaqdhaqaaqa Xerada Xalane
Muqdisho, March 29, 2020 (Haatuf) – Howlgalka nabad
ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa xaddiday dhammaan
galitaanka iyo ka bixitaanka xerada milateriga ee Xalane ee magaalada Muqdisho.
Taliska Xalane ayaa ah midka ugu weyn ee uu ka socdo howlgalka AMISOM.
Bayaan uu soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo
baahida loo qabo in la xakameeyo faafahin cudurka coronavirus ee safmarka ah,
lana dhowrayo caafimaadka iyo badqabka dadka deggan xeradaas iyo kuwa soo
booqanayaba, AMISOM waxa ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha
ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee 29-ka bishan Maarso.
Tallaabadan ayaa dib loo eegi doonaa haddii ay baahi kale
soo baxdo.
Xayiraaddan waxa ay khasbaysaa in la joojiyo dhammaan howlihii dhismaha,
dhaqdhaqaaqa gawaadhida saadka iyo howlaha kale ee ganacsi ee xerada, sida
dukaamada iyo aagga gawaarida lagu dhaqdo.
Bayaanka
ayaa dhanka kale lagu sheegay in kooxaha bixiya adeegyada asaasiga ah iyadoo la
eegaya kiis kiis iyo xaaladahooda gaarka ah loo ogolaan doono inay soo galaan
xerada.
Jimcihii ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee
Soomaaliya iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka waxa ay xaqiijiyeen in kiiskii
saddexaad ee coronavirus laga helay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada
milateriga ee Xalane.
Qofka xanuunkan laga helay ayaa lagu sheegay inuu yahay ajanabi la shaqeynayay hay’adaha Qaramada Midoobay.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xanuunkan ay si adag ula tacaalayso ayna qaadday tallaabooyinkii diyaargarowga iyo qaabkii loo xakamayn lahaa.
Leave a comment