Latest News

Ammaandarada Badda Cas Oo Sababtay Sicir-Barar Iyo Maceeshadii Oo Cidhiidhi Gashay.

Haatufonline,January 4,2025

Tan iyo dabayaaqadii 2023 markii ay Xuuthiyiintu bilaabeen weerarada ay la beegsadaan
maraakiibta marta Badda Cas, waxa marwalba marka ka dambaysa kor u kacayey sicirka caymiska maraakiibta iyo xamuulka badda taasoo si xun u saamaysay dhaqaalaha dalalka Africa ee ku yaala Badda Cas iyo Bariga Afrikaba.
Kordhaka ku yimid caymiska maraakiibta iyo noolka rarka ee ka dhashay weerarada Xuuthiyiinta Iiraan taageerto ayaa wuxu qaaligareeyey qiimaha alaabti dibadda laga keeni jiray gaar ahaan raashinka,waxaana dalalka aanu kor ku tilmaamnay ka dhex dilaacay sicir-barar(inflation) saameeyey qiimaha sarifka lacagaha maxaliga ah oo hoos u dhacay taasoo keentay in qiimihii wax lagu kala iibsan jiray kolba kor u kaco oo wixii ay lacagtu goyn jirtayna ka yaraado sidii hore.

Khatarta ammandarada gaadiidka badda kasoo waajahaday weerarada Xuuthiyiinta darteed, waxa hoos u dhacday tirada maraakiibtii isticmaali jirtay Qoriga Suways(Suez Canal) ee Masar ee isla markaana kusoo xidhan jirtay dekadaha Badda Cas iyo Bariga Afrikaba, waxaanay arintaasi dawladahaasi ku keentay hoos-u-dhac dhaqaale.
Masar ayaa ah dalka ugu badan ee dhaqaale xumadu kasoo gaadhay qalalaasaha Badda Cas kadib markii ay maraakiibtii isticmaali jirtay Suez Canal ka weecatay marinkaasi una leexatay Koonfur Afrika inay kasoo wareegto. Masar waxa sanadkii fiiga laga qaado maraakiibta marta Suez Canal kasoo gali jiray lacag ku dhaw $ 10 bilyaan, hadda seh dhawr boqol oo milyan oo kaliya ayaa uga soo xarooda.
Mushkiladani waxa kaloo ay saamaysay dalalka Geeska iyo Bariga Afrika oo ganacsigoodu ku xidhnaan jiray Badda Cas.
Dalalka Kenya ,Uganda iyo Ethiopia oo alaabta ay Yurub kala soo dagaan usoo mari jirtay Suez Canal ayaa waxa soo waajahday inay lacag dheeraad ah kolba ku bixiyaan badeecadahii Yurub uga imanjiray sida kamikada lagu nafaqeeyo sarca iyo qalabka mashiinada(machinery) iyo kaaga darane alaabti la dalbaday oo waqti badan dib uga dhacaysa mudadii hore ee ay ku imanjirtay iyadoo waliba maraakiibta ay ku qaadato 10-14 maalmood oo dheeraad ah hadii ay kasoo wareegaan Koonfur Afrika,kharashka xamuulkuna sii laban laabmayo.

Inkastoo ay Xuuthiyiintu carqalad weyn galiyeen ganacsigii caalamka oo dhan,hadana dhaqaalaha dawladaha horumaray way iska xejin karaan khasaaraha ka dhasha dhibaatadan, hasayeeshee dawladaha Afrika ma xamili karaan hoos-u-dhaca dhaqaale iyo sicir-bararka xakamaha goosanaya ee ka dhalanaya khalkhalka ay Xuuthiyiintu ku hayaan baayacmushtarkii ka gudbi jiray Badda Cas iyo Suez Canal.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*