Latest News

Saamaynta Ammaanka Xumaaday Ee Baabal Mandeb Iyo Gacanka Cadmeed Iyo Koradka Sicirka Caymisku Ku Yeelanayaan Ganacsiga Dunida Iyo Maceeshadda Danyarta

Hargeysa,December 6,203( Haatufonline)- Shirkadaha Caymiska maraakiibta oo ka dayrinaya ammaanka marinka Baabal Mandeb iyo Gacanka Cadmeed ayaa kordhiyey sicirkii ay ku caymin jireen gaadiidka badda ee isticmaala koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed halkaas oo ay Xuuthiyiintu sadexdii todobaad ee u dambeeyey ku afduubeen hal markab qaar kalena gantaalo iyo daroono ku weerareen.
Dhammaan maraakiibka la weeraray ayaa lahaanshahooda si toos ah iyo si dadbanba ah loogu xidhiidhiyey maalqabeenno reer Israel ah iyadoo ay Xuuthiyiintu dhawr jeer ku celceliyeen inay bartilmaameedsanayaan gaadiidka ay Israel leedahay ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed si ay ugu hiiliyaan Falastiiniyiinta reer Gaza. Xuuthiyiintu waxay ku hanjabeen inay baacsan doonaan maraakiibta reer Israel ilaa iyo inta ay dawladda Israel joojinayso dagaalka ay ku hayso reer Gaza.

Hadaba sicirkii lagu caymin jiray maraakiibtii mari jirtay koonfurta Badda Cas Iyo Gacanka Cadmeed oo laba todobaad ka hor taagna ama loogu dhufan jiray 0.03% qiimaha markabka ayaa wuxu Isniintii shalay gaadhay 0.1%. Waliba Dryad Global oo ah shirkad ka talo bixisa ammaanka marinada badaha ayaa saadaalinaysa inay sii xumaan doonto nabadgelyada biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.Qiimaha kusoo kordhay caymiska mariikiibtii iyo iyo xamuulkoodiiba waxa uu shaki la’aan aakhirka fuuli doonaa dadwaynaha wax iibsanaya iyadoo uu waliba si xun u saamayn doono meecashadda dadka danyarta ah ee loo badanyahay.

Xuuthiga Yeman way ogyihiin in maraakiib la afduubaa aanay dhib weyn u gaysan doonin Israel hasa yeeshee waxay shuqulksn uga dan leeyihiin inay ku kasbadaan taageerada shicibka Yeman iyo dadyowga kale ee dunida Carabta iyo Muslinkaba oo runtii dhammaantood aad uga xun ugana cadhaysan duqaynta arxandarada leh ee ay Israel u gaysanayso dadka rayidka ah ee reer Gaza. Hasa yeeshee ma laga yaabaa in gacan fudaydka Xuthiga iyo dhayalsiga dalalka mandaqada iyo caalamkuba uu ka dhasho marinka Baabal Mandeb oo ay xidhaan maraakiib la dhaawacay oo ku dagtay dabeeto xanibaadaasina uu ku joogsado 15% ganacsigii dunida ee qooriga Suways(Suez Canal) waqooyi iyo koonfur uga kala gudbi jiray.
Baabal Mandeb oo isku xidha biyaha Mediterranean-ka,BaddCas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya waxa uu balac ahaan ka koobanyahay 26 km oo kaliya,meelaha qaarna waxay dhumucda balaadhkiisu ka yartahay 3 km.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*